Madaxweyne Xaaf oo Nairobi kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Magaalada Nairobi waxaa maanta ka dhacay kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Fulgencio Garido-Ruiz (Pencho).

Ilo wareedyo ka agdhaw kulanka ayaa Mustaqbal u sheegay in ay labada mas’uul kawada hadleen Arrimaha Galmudug iyo taageerada ay u baahan yihiin.

Madaxweynaha Galmudug ayay wararku sheegayaan in Midowga Yurub Danjirahooda u qaabilsan Soomaaliya uu u fududeeyo kaalmada ay u baahan yihiin dadka galmudug iyo Maamulkoodaba.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Nairobi u tagay kulamo uu la qaadanayo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Culeyska ugu badan ee heysta Maamulka Galmudug ayaa ah ku kala aragti duwanaanta Dowladda Federaalka iyo maamulkaas waqtiga ay dhaceyso Doorashada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa Dowladda Federalka dhowr jeer ku eedeeyay in aysan siin maamulkiisa kaalmada Beesha Caalamka ee loosoo mariyo

MM Staff

Read Previous

MW: Farmaajo “ in dowladda lagu dacweeyo beesha Caalamka waa dowlad dumin”

Read Next

Shirka Golaha Wasiirada Hir-Shabeele oo loo hadlay amniga iyo dib u heshiisiinta.