Madaxweyne Puntland oo Garoowe ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti uu hogaaminayay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka uu la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

Image may contain: 4 people, people sitting, living room and indoor
Madaxweynaha Puntland Deni iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

”Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Soomaaliya”.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and suit
Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dhib.

“Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnay”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Image may contain: 1 person, suit
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender oo isna warbaahinta la hadlay.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayaa sheegey in ay Madaxweynaha Puntland ka wada-hadleen siyaasadda guud ee Soomaaliya, mashaariicda UK ka fuliso Puntland, sida Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga, isla markaana safiirka ayaa balan qaaday in UK ay kordhindoonto dhankeeda wada- shaqaynta labada dhinac.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing, shoes and outdoor
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo maanta ku laabtay Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta Garoowe dib ugu laabtay ka dib Safaro uu tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo uu kulamo ku laqaatay siyaasiyeen iyo Madax kale oo kala hadlay arimaha Maamulkiisa.

Mustaqbal Garoore.

MM Staff

Read Previous

Shir looga hadlaayay wada shaqaynta hay’adaha garsoorka Galmudug oo Dhuusamareeb ka Furmay.

Read Next

3; Xildhibaan dhalinyaro ah oo maanta ku soo biiray golaha Shacabka BFS.