3; Xildhibaan dhalinyaro ah oo maanta ku soo biiray golaha Shacabka BFS.

Magaalada Baydhabo waxaa galabta ka dhacday doorashada kursi golaha Shacabka uu baneeyay madaxweynaha waqtigan ee maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

Kursiga waxaa ku tartantay saddex musharax oo mid haweeney ay eheyd, iyadoo kursigan uu noqday midka ugu xiisaha badan ee doorashooyinkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Cali Cadow Maxamed oo helay 28 Cod, ayaa ku guuleystay kursiga Xildhibaanimo, halka Cabdicasiis Cali Macalin uu keensaday 16 Cod, Shamso Ibraahim Maxamuudna 3 Cod, waxaana halaabay 3 cod, maadaama qaar kamida ergada ay si qaldan codkooda u dhiibteen.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Doorashadan, waxaa ka horeysay mid ay ku soo kala bexeen  Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) iyo Nuur Siidow Baaba Xasan Axmed Mayow, iyagoo buuxinayay kursiga uu iska casilay Taliyihii NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo mid uu ka geeriyooday AHUN Xildhibaan (Korneyl Ruus).

Cali Afgooye ayaa barqanimadii maanta keensaday 51 Cod, iyadoo uu Canada iska jiray ninkii la tartami lahaa, taasoo keentay inuu kaligii tartamo.

Image may contain: 1 person

Siidow Baaba Xasan wuxuu uruursaday 48 cod halka ninka uu ka guuleystay ee Fiqi Cabdullaahi Mayow helay kaliya hal cod, waxaa xumaatay laba cod oo Mid si qaldan loo codeeyay iyo mid aanan warqada waxba lagu qorin.

https://scontent-mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.0-9/

Mudaneyaasha kusoo biiray xeer­dejinta Soomaaliya oo la gudoonsiiyey Shaadooyinka muujinaya Xildhibaanimadooda ayaa kordhinaya tirada dhalinyarada sharcidejinta ku jirta

Web master

Read Previous

Madaxweyne Puntland oo Garoowe ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Read Next

Madaxda Hirshabeelle oo la kulmay Sheekh Shariif