Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo beeniyay in uu isaga baxay Jowhar

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Guudlaawe ayaa beeniyay warar sheegayay in uu isaga baxay magaalada Jowhar kaddib markii Ciidamada dowladda ay ka baxeen aagaggii Gobolka Shabeellaha dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa u sheegay Warbaahinta in uu ku suganyahay Jowhar kuna shaqeynayo,waxaa uu  been abuur ku tilmaamay wararka la isla dhexmarayo.

“Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heerka degmo, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ee Ciidamada Dowladda ayaa isaga baxay degaannada Mahaddaay,Qalimow,Garsaale iyo duleedka Jowhar saldhigyo ay ku lahaayeen.

 

Web master

Read Previous

Somali leaders jittery over KDF’s military base pullout

Read Next

Barcelona oo dalabkii ugu dambeyay uguna qaalisanaa ka gudbisay Matthijs De Ligt.