Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

RSA2

Madaxwynaha oo munaasabaddan kaga qeyb galay Magaalada Pretoria ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ramaphosa xilka cusub ee loo igmaday, isaga oo bogaadiyay horumarka ay dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika ay ku tallaabsadeen.

RSA1

Dhankiisa, Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa uga mahad celiyey wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay u ajiibeen marti qaadka uu u fidiyey ee ku aaddan in ay goob joog ka noqdaan munaasabadda uu xilka kula wareegayo.

RSA6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku suganyahay Koonfur Afrika waxa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, isagoona u kuur galaya xaaladdooda iyo caqabadaha haysta.

RSA11

News Editor

Read Previous

Madaxweynaha Puntland oo Gudoomiye cusub iyo kuxigeenadiisa u soo magacaabay gobolka Mudug.

Read Next

Taliye cusub oo loo magacaabay booliska gobolka Mudug.