Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?
Hoggamiyaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayaa Taliye cusub u soo magacaabay gobolka Mudug, kadib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii hore ee maamulka oo lagu eedeeyay wax qabad la’aan.
Wareegto xili danbe oo xalay eheyd oo uu soo saaray Deni waxa uu ku sheegay inuu is bedel ku sameeyay laamaha amaanka ee gobolka, si wax looga qabto falalka lidiga ku ah dhinaca amaanka ee Gaalkacyo ku soo laa laabtay.
Halkan Hoose ka aqriso War Saxaafadeedka ka soo baxay madaxweynaha Puntland:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Mar Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa yo khibraddiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug .
- Xeerkani waxaa uu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu
