Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Marko.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marko ee Caasimada Sh.Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhow gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweyne Farmaajo, waxaa socdalakiisa ku wehlinayay xubno kamid ah dowladda, Waxaana soo dhaweyn u sameeyay Maamulka Gobolka, Kan degmada iyo Saraakiisha Ciidamada.

Ujeedka socdaalka ee wafdigan, ayaa lagu sheegay iney la xiriirto sidii loo dhiiragelin lahaa Ciidamada 14-ka October, kuwaasoo Shabaab ka saaray bilo ka hor magaalada Marko iyo deegaanada hoostaga.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa inta uu ku suganyahay Marko la hadli doono qeybaha kala duwan ee Buslahada, Isagoo markaasi kadibna dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Socdaalka Madaxweynaha, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta la xusayo Sanad kadib weerarkii lagu qaaday Isgoyska Zoobe ee ku naf waayeen dadka ka badan 500 ee qof.

Mustaqbal media

Read Previous

Wadooyinka Muqdisho ugu muhiimsan oo xiran.

Read Next

Dhageyso: RW Khayre oo Sheegay in waxbarasho bilaash ah la siinayo Carruurta dadkii lagu dilay qarixii Soobe.