Madaxweyne Farmaajo oo Caawa gaaray magaalada Kampala.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Caawa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho laba Cisha ah.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Baqdaadi)

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Kampala uga qeybgalaya shir ay soo qaban qaabisay Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika, kaasoo loogu magac daray shirka Afrikada hadda oo socon doona Talaadada iyo Abacada todobaadkan

“Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Kampala halkaas oo uu berri ka furmayo shir looga hadlayo isu soo dhawaanshaha dalalka qaaradda, baahida loo qabo in Afrika ay u midowdo kobcinta dhaqaalaha, isdhexgalka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo nabadda” ayuu lagu yiri qoraal la soo dhigay boga Facebook ee Villa Soomalaiya.

News Editor

Read Previous

Muwaadin Soomaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Read Next

AU Special Representative saddened by the untimely death of Police Commissioner, Christine Alalo