Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo ku howlan ololaha doorashada dalkiisa ka dhacaysa bartamaha Janaayo sanadka soo socda 2026 ayaa carrabka ku dhuftay in dalkiisu uu u baahan yahay Bad gaar ahaan Badweynta Hindiya.
Yoweri Museveni ayaa sheegay in haddii codka uu helo uu dadkiisa u raadin doonno Bad si ay uga mid noqdaan Dalalka aanay badda lahayn balse yeesha ama ka faa’iidaysta sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Uganda.
Waxa uu intaas ku daray in dadkiisa uu ku hoggaamin doonno mashaariic waa weyn sida in ay helaan Badda gaar ahaan Badweynta Hindiya isaga oo ka dhex eegaya dhinaca Kenya, Museveni ayaa dalkaas haysta muddo 40 sanno ah.
Si cad ayuu u sheegay in ay ciidamo badda ah ay tababaranayaan si ay mustaqbalka dhow uga howlgallaan marka ay riyadooda rumowdo sida uu warka u dhigay, isaga oo ku celceliyay in aanay suuragal noqon Karin in ay bad la’aan sii ahaadaan.
“Baddeennu waa Badweynta Hindiya, Haddii aad dabaq biyaannada sare ka iibsatid micnaheedu waa tan hoose ma lihid yaa dhihi kara, Uganda waa sidaas oo kale, ” Ayuu yiri Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda.
Sidaan oo kale waxaa horay Kenya ugu goodiyay Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Uganda ee lagu magacaabo Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo si aan ka gambasho lahayn u sheegay in haddii aabihiis uu fasaxo uu Kenya ku qabsan karo 8 saacadood.
Damaca Uganda Waalaya waxa uu lamid yahay kan Itoobiya haya oo marba meel u rideysa qorshaheeda raadinta Badda Cas iyada oo ugu dambayn Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu damac ka galay Dalka ay kala go’een ee Eretareeya.
Mustaqbal
