MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Qarax Ismiidaamin ahaa oo xalay Fiidkii ka dhacay Degmad Buuhoodle ee Gobolka Togdheer.
Muuse Biixi ayaa tacsi u diray ehellada dadkii qaraxaas wax yeellada ka soo gaartay iyo guuda ahaan shacabka Reer Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayuu Ciidamada amaanka ku amray in ay baaritaan ku sameeyaan Qaraxa iyo ciddii ka dambeysay.
Inta la xaqiijiyay labo qof oo xilal ka soo qabtay dowladda Somaliya iyo Maamulka Khatumo ayaa ku geeriyooday weerarkaas.
Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Buuhoodle.
