Madaxweynaha maamulka Somaliland oo gaaray magaalada Adis-Ababa.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaamainayay, ayaa galabta gaaray magaalada Adis-Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga bilaatay socdaal maalmo qaadanaya.

Madaxweyne Muuse, waxaa garoonka Bole ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyada dalka Itoobiya Axmed Shido, kaasoo u galbiyay wafdiga Madaxweynaha xarunta Madaxtooyada, iyagoo wada yeeshay kulan daqiiqado kooban socday oo la isaga wareysanayay xaalada labada dhinac.

Waxaa la filayaa in kulan gaar ah wada yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisusl Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, waxaana la filayaa iney ka wada hadlaan xiriirka labada dhinac.

Itoobiya, ayaa saami dhan  19%  ka heshay Heshiiska horumarinta dekedda berbera ee Somaliland, Itoobiya waxey  85% alaabaha dibada uga yimaada kala soo degi jirtay dalka Jabuuti, Balse waxaa la filayaa inay imika 50% ay kala soo degto alaabaha Dekada Berbera oo ay gacanta ku hayaan Somaliland.

Mustaqbal media

Read Previous

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay Madaxda Bangiga hormarinta Islaamka.Sawiro

Read Next

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland oo ku kulmay Addis Ababa.