Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo.
Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa isha ku haaya sida ay socdaan arimaha u diyaar Garoowga Doorashada Madaxweyne ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee 2019, waxaana Jubbaland Dowlada dhexe oo Khilaaf Xoogan ka dhexeeyo ku eedaysay in ay Faragin ku heyso doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.
Waxaa horay Kismaayo u tagay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Afrika ee u qaabilsan Soomaaliya waxa ayna Madaxweynaha Jubbaland kala hadleen Arimaha Doorashooyinka iyo amaanka.

Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee Jubbaland ayaa dhankooda eedo u jeediya Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay sheegeen in uu doonayo in uu ku shubto doorashada Soo socota ee Jubbaland.
