Madaxweynaha JFS: “Alle waxa aan ka baryayaa in Carafada Fadligeeda uu nooga qaado Amni darrada & Abaaraha”.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa guud ahaan Soomaalida usoo jeediyay in ay ka faaiideystaan fadliga maalintaan ay leedahay isla markaana ay is cafiyaan.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in maalintaan ay habboon tahay is cafiska & in la is garab qabto iyada oo Bulshada laga dhex eegayo Dadka ugu badan ee dhibaatooyinka kala daran wajahaya si loo gacan qabto Dadka kaalmada u baahan.

Xasan waxa uu sheegay in iska warqabka Dadka dhexdooda ah uu ka tarjumayo isu duubnanta sidaas awgeed aan laga maarmin in la kordhiyo baryada Alle si uu dalka uga saaro dhibaatooyinka ay ugu weyn yihiin Amni darrada iyo Abaarta.

“Dadka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxa aan leeyahay Ciid wanaagsan, Carafada & maalmaha barakeysan fadligooda waxa aan alle ka baryaa in uu Dalka ka qaado culeyska jira oo ay kamid tahay Amni darrada & Abaarta, waxa aan leeyahay halaga warqabo Dadka aanay waxba heysan” Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dadka wax heysta ugu baaqay in farxadda ciidda ay ka qaybgeliyaan Dadka kale ee aanay awoodin oo duruufaha iyo baahiyaha gaarka ah ay ka reebeen in ay qaataan farxad lamid ah midda ay dadkaas heystaan.

Ka warqabka Deriska ayuu tusaale usoo qaatay halka goobaha ay degen yihiin Dadka kasoo barakacay abaarta ku dhufatay Gobollada Isaga oo sheegay in uusan marnaba ka caajisi doonin in uu gargaar u raadiyo qoysaskaas.

“Waxa aan Rabaa in Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah meel kasta oo ay joogaan in aan kula dardaarmo Walaalayaal Dadkeena inta badan oo kamid ah ayaa duruufo adag ku sugan oo ay keeneen abaaraha, roob yarida & Amni darrada, deriskaaga fiiri, maanta ma fasaxsan yahay, hilib ma cunayaa, maraq ma cabbayaa haddii aad cuneysid oo aad cabbeysid, kamana caajisaayo in aan dhaho Dadkeena aan u gurmano” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maanta waa maalinta 1aad ee Munaasabadda Ciidul-Adxaa, Malaayiin Muslimiin ah ayaa u dabbaaldegaya maalintaan iyada oo ay dadku isugu hambalyeynayaan farxadda Ciidda, waxaase jira Dad aanay awoodin in ay helaan wax ay cunnaan & cabbaan oo ku nool meelo kala duwan.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Gedo.

Read Next

RW Xamse oo ku baaqay in la garab istaago qoysaska aanay awoodin ka qaybgalka farxadda Ciidda.