Ciidamada DFS & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya & Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay Deegaanka Shaatolow ee Gobolka Gedo kaddib markii howlgallo Ciidanka Federaalka ay ka sameeyeen deegaankaan u dhaxeeya Doolow & Luuq.

Dagaalka ayaa sababay dhimasho & Dhaawac oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay inkasta oo aanay si dhab ah loo heyn inta uu gaarsiisan yahay, Askarta Dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab waxa ay kala heleen gurmad uga imaaday deegaannada ay kala joogaan.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa howgalkaan ku tilmaamay mid la isugu furayo waddooyinka Degmooyinka Gobolkaas oo go’doon u galay Al-Shabaab, si la isugu furo loo sameeyay howlgalka ka socda.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay miinooyin geliyeen waddada la isaga gudbo Doolow & Luuq si ay ugu qarxiyaan Gaadiidka mara waddooyinkaas.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Antonio Guterres: “Dhibaatooyinka Dunida ka jira waa kuwo laga dhaxlay Covid-19 & Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine”.

Read Next

Madaxweynaha JFS: “Alle waxa aan ka baryayaa in Carafada Fadligeeda uu nooga qaado Amni darrada & Abaaraha”.