Madaxda Carabta & kuwa Dalalka Islaamka oo maanta fadhi ku leh Magaalada Dooxa  

Magaalada Dooxa xarunta Dalka Qadar oo Todobaadkii hore ay weerar ka gaysatay Israa’iil waxaa maanta ka dhacaya shir muddo kooban soconaya oo u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Carabta.

Shirkaan waxaa ugu horrayn si wadajir ah loo cambaarayn doonnaa weerarkii Israa’iil ay ku qaadday Magaalada Dooxa xarunta Qadar, waxaa xigaya in ay go’aan adag ka qaataan haddii markale uu dhaco weerar kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah Madaxda ka qaybgalaysa Shirkaan, Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalalka cambaareeyay weerarkaas iyada oo sheegtay in ay garab taagan tahay Xukuumadda Dooxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna Madaxda Dalka Qadar iyo mas’uuliyiinta kale ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Dalalka Islaamka ee maanta shiraya.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

MW Laftagareen oo Shacabka & Hay’adaha amniga Koofur Galbeed ka dalbaday in ay xoogga saaraan ka shaqaynta Amniga

Read Next

Israa’iil oo kordhisay duqaymaha ay ku dulayso Dadka rayidka ah ee reer Gaza