Maamulka Waqooyi Galbeed oo shaaciyay in ay Mareykanka u soo bandhigeen Macdan iyo Saldhig Militeri

Maamulka  Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa shaacisay inay diyaar u yihiin in ay Mareykanka siiiyaan khayraadka macdanta ee dalka, iyo sidoo kale inay dhisan karaan saldhigyo milateri.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegay in Somaliland ay u furan tahay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh.

“Waxaan diyaar u nahay inaan Maraykanka siino helitaan gaar ah (exclusive access) oo ay ku helaan macdantayada. Sidoo kale, waxaan u furan nahay inaan Maraykanka u soo bandhigno saldhigyo milateri,” ayuu yiri Wasiir Khadar Xuseen.

Wuxuu intaas ku daray inuu rumeysan yahay in dhowaan heshiis rasmi ah laga gaari doono arrimahan

Hadalka ka soo yeeray Waqooyi Galbeed weli kama aysan hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.

Tallaabadan ayaa timid xilli Israa’iil ay ay dhammaadka bishii aqoonsi muran badan dhaliyay siisay Maamulka Waqooyi Galbeed, tillaadaasi oo ay cambaareeyeen Dowladda Federaalka iyo dhammaan caalamka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

4 qodob oo mucaaradku ay ka codsanayaan Madaxweyne Xasan Sheekh in uu hirgaliyo ka hor May 15, 2026!

Read Next

Shirka Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo goordhow soo gaba gaboobey