Maamulka SSC Khaatumo ka hadlay baaqashada shirkii maanta

Wasiirka Warfaafinta maamulka SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame oo Warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha keenay inuu dib u dhac ku yimaado shirka dhismaha maamulka ee maanta loo ballansana.

Wasiirka ayaa sheegay arrimo farsamo iyo wadatashiyo socda uu u baaqday shirka, isla markaasna si rasmi ah loo qaban doono berri oo axad ah.

Shirkan oo looga arinsanayo dhismaha dowlad goboleed cusub oo ay yeeshaan shacabka SSC Khaatumo ayaa laba jeer hore dib ugu dhacay.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa ku sugan wafuud sare oo ka kala socda dowladda Federaalka iyo hoggaanka dhaqanka, kuwaasi oo wada kulamo gaar gaar ah.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Hay’adda IMF oo ku baaqday in Dowladda Federaalka soo daabacdo Shilin Soomaali

Read Next

Midowga Afrika oo 10 Milyan ugu deeqay howlgalka AUSSOM