Maamulka Koofur Galbeed oo xilka u kala wareejiyay maamulkii Qansax-dheere

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Wafdiga Wasiirka ayaa u kuurgalay xaaladda Degmada Qansaxdheere, iyadoo dhanka kalena ay degmadaasi u taggeen fulinta is bedel lagu sameeyay Maamulkii degmada.

Wasiirka ayaa waxaa horey ula socday oo socdaalkaasi ku wehlinaayay Gudoomiyaha cusub ee Degmada Qansaxdheere, C/risaaq Cabdi.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Qansaxdheere, Aadan Cabdi Qooqane oo soo dhaweeyay xil ka qaadista uu dhawaan ku sameeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub.

Dhanka kale wafdiga Wasiir Xasan Eelaay oo la kulmay bulshada deegaanka ayaa ugu baaqay inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Degmada Qansaxdheere.

Masuuliyiintii safarkaasi ku wehlineysay Xasan Eelaay ayaa waxaa laga xusi karaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Madoobe Nuunow Maxamed, Xildhibaano Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka tirsan, Saraakiil ciidan iyo Wariye-yaal.

Wafdiga Xasan Eelaay ayaa saacado kadib dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, oo markii hore ay ka amba baxeen

Mustaqbal media

Read Previous

Kenyan court allows police to detain al Shabaab suspects for 30 days

Read Next

Mustafe Cagjar oo saraakiil Itoobiyaan ah ka qaadaya dhul ay ka heysteen Somalida