Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Wasiirka Amniga maamulka Koofur Galbeed Isaaq Cali Isaaq ayaa sheegay in ay dib dayactir ku bilaabi doonaan Buundada Magaalada Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Buundada Deegaanka Bariire waxaa qarxiyay Al-Shabaab kadib markii ay weerar ay ku qaadeen ay ku qabsadeen.
Wasiir Isaaq ayaa sheegay in ay muhiim u tahay isku socodka Deegaanka iyo kuwa kale ee ku heeran, maadaama looga tallaabayay Wabiga.
Dadka deegaanka iyo gaadiidka ayuu sheegay in ay dhibaatooyin ku qabaan buundo la’aanta, waxaana uu intaa ku daray in ay ka go’an tahay dhismaheeda.
Sanadkii 2017-kii ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM waxa ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano dhowr ah oo dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kamid ahaa deegaanka Bariire.
Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Koofur Galbeed oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Deegaanada Mamaulkaas ayaa tagay Bariire.
Ujeedka Socdaalkooda waxa ay ku sheegeen in ay qiimeyn ku sameynayeen Deegaanada Al-Shabaab ay ka saareen Ciidamada Dowladda oo garabsanaya AMISOM
