Nin u dhashay Bangladesh xiriirna la leh AL-shabab oo lagu xiray Mareykanka

Dalka Mareykanka waxaa lagu xiray Nin u dhashay Dalka Bangaladesh kaas oo sidoo kale lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ee Soomaaliya.

Eedaha Ninkan loo heysto waxaa ka mid ah in uu isku dayay in uu weerar ka geysto fagaaraha Time Square ee Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Rahatul Ashikim Khan, oo isna u dhashay Bangaladesh ayaa lagu xiray Gobolka Texes ee dalka Mareykanka markii lagu helay in uu xiriir la leeyahay AL-shabaab.

Waxaa uu 2014kii ka caawiyay dhalinyaro kale in ay u safraan Afrika kuna biiraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Ashiqul Alam, oo 22 jir ah ayaa la sheegay in uu taageere rasmi ah u ahaa hoggaamiyihii hore ee Al Qaacidda Usama Bin Laden.

Web master

Read Previous

US airstrike kills one militant in Somalia

Read Next

Maamulka Koofur Galbeed oo ballanqaaday dib u dhiska Buunddada Bariirre