Maamulka Jubbada hoose iyo AMISOM oo kawada hadlay amaanka Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose C/rashiid C/laahi Cali Gooni ayaa xarunta gobolka ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka AMISOM qaybta ka hawlgasha Magaalada Kismaayo.

Kulanka oo ay warbahinta dibad joog ka aheyd ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay arrimo la xiriiri xoreynta degmooyinka iyo deegaanada ka maqan gacanta Dowlad-goboleedka Jubbaland ee Gobolada Jubboyinka iyo Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM ee aagga Kismaayo Janaraal Burhaanu ayaa isla meel dhigay dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni.

Image may contain: 1 person, sitting

Janaraal Burhaanu Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Jubboyinka ayaa balan qaaday in ay xaqiijinayaan Amaanka Goobaha ay Gacanta ku hayaan isla markaana ay Feeljignaan deeri ah samayn doon maadaama ay soo dhawdahay Doorashada Hay’adaha ugu sareeya Maamulka Jubbaland.

Image may contain: one or more people, people sitting and flower

Dhawaan ayaa Goroonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka socda dalka Itoobiya waxaana laga saaray ciidamo Kenyaan ah oo halkaasi saldhig ku lahaa.

Image may contain: 1 person, sitting and beard

 

MM Staff

Read Previous

Magaalada Marka oo qarka u saaran in ay go’doon gasho.

Read Next

Madaxweyne Waare oo kala diray Xubaha Garsoorka Gobolka Hiiraan.