MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Kooxda Inter Milan ayaa maanta oo Talaada ah ku dhawaaqday in heshiis cusub oo mudo labo sane kale ka saxiixatay macalinkeeda Luciano Spalletti, kaasoo gaaraya ilaa iyo sanada 2021.
Luciano Spalletti ayaa heshiiskiisa hore uu ku joogay kooxda Inter Milan wuxuu dhacayay dhamaadka xili ciyaareedkan cusub ee 2018/2019.
Inter Milan ayaa markale go’aansatay in kalsoonideeda ay siiso Luciano Spalletti, kadib markii uu kooxda ku hogaamiyay in ay u soo baxdo xili ciyaareedka cusub tartanka UEFA Champions League.
Luciano Spalletti ayaa kadib marka uu saxiixay heshiiska cusub wuxuu ka warbixiyay dareenkiisa ku aadan sida uu ugu faraxsan yahay heshiiskan cusub uu saxiixay iyo kalsoonida uu ka helay maamulka sare ee kooxda reer Talyaani.
“Waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo, maamulka kooxda kadib fursada ay ii siiyeen inaan markale heshiis cusub u saxiixo
“Waxaan xaqiijinayaa inaan dooneyno in aan halkeena ka sii wadno dagaalka, sababa la xiriira maslaxda kooxdan weyn”.
