Loolanka shirkadda Google iyo OpenAI

Shirkadda Google ayaa si rasmi ah u daah-furtay barnaamijkeeda BardAI kaas oo tartan kula jira ChatGBT ee shirkadda OpenAI, ayada oo la xasuusan yahay in todobaadkii hore la sii daayay wajigiisa labaad oo ahaa ChatGBT-4.

ChatGBT waa barnaamij ku shaqeeyo caqli sameys (Artificial Intelligence), waxa uuna awood u leeyahay in uu garab kaa siiyo weydiimaha aad u baahan tahay jawaabahooda, waxa aadna u wada-sheekaysan kartaan qaab-fariin-qoraaleed (Chatbot), asiga oo ku siinaayo falcelin uu dhisay (generate).

Waxa ay tani dhalisay in ay ciriiri dhanka suuqa ay ku abuurto shirkadda Google, maadama ay ahayd keyd iyo il xogaha laga raadiyo (search engine) si fudud, waxa ay natiijadu noqotay in ay si degdeg ah kaga jawaabto barnaamjika ChatGBT, ayaga oo saaxadda keenaayo mid la tartami karo barnaamijkaan soo ifbaxay November, 2022-kii.

Dhanka kale barnaamijka Google ee BardAI ayaa u shaqeyn doona sida ChatGBT, waxaana ay ku wada tartamayaan suuqa ay hore gacanta ugu heysay kuna xoogganeed shirkadda Google. Lollankaan u dhaxeeyo labada shirkadood ayaa noqon doona jiha hor leh ee dhanka teknoolajiyadda, taas oo aan laga hordhici karin, is la markaana saamayntiisa leh, dhan walba.

Waxaa saameynta teknoolajiyaddani cusub ChatGBT, lugta horeba laga dareemay saaxadda waxbarashada ee Iskuullada iyo Jaamacadaha ayada oo Ardaydu barnaamijkaan u adeegsadeen in ay kaga shaqeeyaan diyaarinta shaqo guriga, Buugga qalibjabinta, qishka imtixaanaadka iwm.

Isbaddeladaasi ayaa imaanayo iyada oo saaxadda uu ka maqan yahay barnaamijka ay Google daah-furtay ee Bard, waxaana saamayntiisa ay ka sii ballaaranaysaa marka ay si toos ah ay mudda suuqa labadoodu ku tartamaan.

ChatGBT in uu saaxadda ku soo biiray waxaa durba la dareemay sii xoogaysiga dayaca dhanka hanti-maskaxeedka (Intellectual Property) is la markaana ay fududaatay xatooyada cilmiga (Plagiarism), sida ay macaahidda qaar ku doodayaan. Waxaana dunida horumartay, si gaar ah dalalka uu saameyntiisa gaaray, ay is ku howleen sidii ay u xakameeyaan lahaayeen saameynta ay teknoolajiyadda cusub la timid.

Barnaamijka ChatGBT oo muddo bilo ah hawada ku jira ayaa Ardayga lagu magacaabo Edward Tian oo labaatan iyo labo sano jir ah, ayaa keenay xalka dhibaatada billowga ah ee ay Ardaydu u adeegsanayaan howlahooda gaarka ah, asiga oo keenay barnaamij lagu magacaabo GPTZero, kaas oo awood u leh in uu kala saaro qoraallada iyo xogaha lagu diyaariyay Caqliga Sameyska (Artificial  Intelligence) iyo kuwa uu bani’aadanka qoray. Waxaana ay tallaabadaasi ay noqotay mid lagaga baaqsaday in isbaddel uu ku yimaado hannaanka waxbarid ee Ardayda ee dalalka qaar.

Ugu danbeyn, waxaa culeys laga baaqsan karo ah in teknoolajiyaddaan xawaaraha ku socoto uu qofka ka haro, waayo; waayeellada da’da ah ee uu dhibaayo isticmaalka taleefannada casriga iyo teknoolajiyaddaan aan annagu adeegsanno ee Baraha Bulshada, ayaa waxa aan la yaabnaa sida ay nolosha dhankaasi kaga indho la’yihiin.

Caqabadda ugu yar ee taasi ka dhalatay, waa in uu yaraaday is fahanka waalidka aan la heysan teknoolajiyadda iyo Dhallinyarada baraha bulshada ku foollan, si aan taas kaga baaqsanno ayaa waxaa habboon in aan teknoolajiyadda iyo isbaddeladeeda dardarka ah aan la soconno, la falgalno oo aan dheefsanno dhankeeda togan, is la markaanna aan noqonno kuwa la nool casrigooda.

_______________________________________________________________________

W/Q: Axmed Dhuubow

axmeddhuubow45@gmail.com

Afeef: Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Mustaqbal Media

MM Staff

Read Previous

Taliye Sulub oo Safaaradda Talyaaniga kala wareegay Gaadiid loogu deeqay Ciidamada Boliiska.

Read Next

Lataliyaha Amniga MW oo Muqdisho ku soo xiray shirka sannadlaha ah ee maareynta hubka & rasaasta