Liverpool Oo guul xili danbe ah ka gaartay City.

Xiddiga kooxda Liveprool ee Mohamed Salah ayaa marka kale booqday shabaqa kooxda ay ugu baxdo ee Man City.

Kaliya laba 52 il biriqsi ayay ku qaadatay in uu soo taabto shabaqooda ka dib badal uu ku soo galay kulan ay wada ciyaarayeen labadaas koox oo ka tirsan tartanka International Champions Cup-k, waxa uuna goolkaas ciyaarta ka dhigay min hal gool.

Daqiiqaddii 62-aad ayuu Salah badel ku soo galay waxa uuna tir tiray gool Man City ay ku horeysay kaasi oo uu saxiixay Sane , waxa uuna goolkaas uu ku dhaliyay qaab qurxoon oo madaxa ah

Xilli ciyaarta u muuqatay mid bar bar dhacaas ku dhamaaneysa ayaa waxaa diiday Sadio Mane kaasi oo rigoore ku dhaliyay daqiiqaddii 90-aad halka goolka City ay ku horeysay uu dhashay daqiiqaddii 81-aad.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Somalia Military Court sentenced Life Prison on Jama Hussein for ISIS membership

Read Next

Juventus Oo guul muhiim ah ka gaartay Bayer Munich.