Juventus Oo guul muhiim ah ka gaartay Bayer Munich.

Kooxda Juventus ayaa guul weyn ka gaartay dhiggeeda Bayern Munich oo ay wada ciyaarayeen kullan ka tirsanaa tartanka International Champions Cup-ka ee biloowga xilli ciyaareed waliba lagu qabto Mareykanka.

Kulanka ayaa biloowgii ahaa mid u furan labada koox inkastoo Munich ay deg deg badnaayeen ayna raadinayeen in watqi hore soo taabtaan shabaqa kooxda Juve .

Balse Juve oo ciyaareysay kubad kalsooni leh ayaa Munich ku heshay gool daqiiqaddii 32-aad waxaana saxiixay Andrea Favilli , waxa uuna goolkaas dar dar u yiilay ciyaarta

Inkastoo Munich ay Juve ka daalinayeen weerarka garbaha hadana waa loo diiday fursad gool waxaana loogu daray gool labaad waxaana saxiixay isla Andrea Favilli daqiiqadii 40-aad waxaana nasiinada lagu aaday labadaas gool.

Qeybta labaad Juve waxa ay ku jirtay is difaacid  waxa ayna Munich ay soo bandhigeen hanaan ciyaareed wacan balse waxaa looga dhameeyay labadaas gool xilli fursado xaqiiq ah uu ka bad baadinayay goolhayaha Juve

Juve ayaa kulankeeda soo socda waxa ay la ciyarayaan kooxda Benfica halka Munich ay wajahayahan kooxda Man City.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Liverpool Oo guul xili danbe ah ka gaartay City.

Read Next

RASMI: Chelsea oo la wareegtay goolhaye Green.