Lionel Messi oo si layaab leh loogu arkay xerada tababarka kooxda Barcelona, Miyuu ciyaarayaa kulanka cwa.

Hogaamiyaha kooxda Barcelona iyo xulka Argentina Lio Messi ayaa saakay si layaab leh loogu arkay xerada tababarka kooxda Barcelona.

Messi ayaa suxulka ka jabay kulankii Sevilla, wuxuuna seegay kulamadii Inter Milan iyo Real Madrid oo kooxdu ay gaartay guulo.

Saaka ayuu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa ee Barcelona, waana markii ugu horaysay ee lagu arko tababarka sidii uu u dhaawacmay.

Tababare Valverde ayaa la filayaa inuusan garoomada ku la soo dag dagin Messi maadaama uu u baahan yahay waqti uu si buuxda uga soo caafimaado.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Neymar oo wajahaya Xabsi 6-sano ah,Sabab?

Read Next

Antonio Conte oo ugu dambeyn iska diiday shaqada Real Madrid.