Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macallin ayaa kulan la yeeshay Madax ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta horumarka laga gaarey dagaalka AS iyo sidii Qaramada Midoobay kaalin uga geysan laheyd dagaalka AS.
Waxaa laga dooday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta xayiraadaha dhaqaale, hub iyo socdaal ee AS, si loo xaqiijiyo Amniga Soomaaliya iyo kan gobolka.
Xuseen Macallin ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii waddo dagaalka ka dhanka ah AS.
Kulanka ayaa qeyb ka ah wadashaqeyn joogto ah oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hirgasha guud ahaan dalka.
Mustaqbal
