Itoobiya oo doon xamuul ah ka soo qaadatay dalka Jabbuuti

Waxaa saacadihii la soo dhaafay si weyn baraha bulshada loogu hadal hayay doon ay leedahay Itoobiya oo gaari xamuul ah looga soo qaaday Dekadda Dooraale ee dalka Itoobiya.

Doontan ayaa Saraakiisha Itoobiya sheegeen in ay tahay mid casri ah laguna magacaabo Tananesh 2, dhererkeedu yahay 38 mitir.

Waxay leedahay awood ay hal mar ku qaadi karto 188 rakaab ah, taasi oo ka dhigan in ay tahay mid qeyb ka qaadan karta isku socodka shacabka Itoobiya ee dagan hareeraha harada.

Tillaabadan ayaa ku soo aadeysa xilli sanadihii la soo dhaafay Itoobiya ku howlaneyd dhisida ciidankeeda badda iyo helida marin badeed.

Ilaa hadda ciidamada Itoobiya waxaa ay leeyihiin 10 maraakiibta nuuca xamuulka ah, kuwaasi oo aan heysan bad ay ku gooshaan.

1 bishii Janaayo ee sannadkii 2024 ayay Itoobiya heshiis muran badan dhaliyay la saxiixatay Somaliland, kaasi oo dhigayay in ay Itoobiya hesho saldhig ciidan iyo goob ay u soo maraan Maraakiibta.

Balse heshiiskaasi ayaa sababay caro dadweyne, iyada oo Itoobiya iyo Soomaaliya xiisad adag ay ka dhex aloonsan tahay, taasi oo ugu dambeyn Turkiga xalliyay.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Lataliyaha Amniga oo dagaalka AS kala hadlay madax ka tirsan Qaramada Midoobay

Read Next

NISA oo howlgallo ka fulisay gobolka Shabeellada Hoose