Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Iyada oo XIlli wax barashadeedka cusub ee 2018/2019 uu guud ahaan Todobaadkan ka billowday Caalamka oo dhan ayaa waxaa dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Lamu ka taagan cabsi laga qabo Al-shabaab.
Shan ka mid ah Dugsiyada Gobolka Lamu ee Kenya ayaan wali la furin kaddib markii Barayaashii ay diideen in ay Iskuulladaas ka shaqeeyaan iyaga oo ka baqaya weerarrada AL-shabaab.
Dugsiyada xiran waxaa ay kalayihiin,Basuba, Milimani, Mangai, Mararani iyo Kiangwe oo dhamaantood ku yaalla Gobolka Lamu,waxaana ay u xiranyihiin Macallin la’aan ka dhalatay weerarrada Al-shabaab.
Dugsiyadan ayaa xirmay sanadkii 2015kii,markaas oo Al-shabaab ay geysteen weerarro dhowr ah,Barayaashii ayaana isaga kala cararay Gobolka.
Xilligaas Kenya ayaa billoowday howlgalka ay ugu magacab dartay Linda Boni,kaas oo aysan waxba ka soo kordhin.
Maamulka Lamu ayaa isku dayay in 260Ardeyda oo ka mid ah Ardeyda Dugsiyda ka xiranyihiin u wareejiyaan Galbeedka Lamu hayeeshee ma dhicin.
Ururka Macallimiinta Kenya ee TSC ayaa 2015 ilaa 2016kii la baxay 16 Macallin oo ka mid ahaa kuwa degaanka wax ka dhigayay,waxaana ay sheegeen in Macallimiinta ay naftooda halis ku jirto.
