Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Xarakada AL-shabaab ayaa shaacisay Magaca Ninkii isku qarxiyay Xarunta Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen 6 Qof 14 kalena ay ku dhaawacmeen.
Al-shabab ayaa ku sheegaya Magaca Ninka is qarxiyay C/Qaadir Cabdullahi Xaaji Maxamed,kaas oo ku dhashay degaanka Daarusalaam ee hoos taga Magaalada Saakoow ee Gobolka Jubada dhexe.
Warbixinta ku saabsan Ninka isqarxiyay ayey Al-shabaab intaas ku dareen in uu ka dhashay Qabiilka Leysaan oo ka mid ah Digil iyo Mirifle.
C/Qaadir ayey Al-shabaab sheegeen in uu ku biiray sanadkii 2013kii oo ku beegan 1434 Hijriyada,waxaana da’diisu ahayd 22 jir sida ay sheegtay Al-shabaab.
