Labo Manchester oo ku dagaalamaya saxiixa Milan Skriniar.

Kooxaha reer Manchester ayaa ku gadaalamaya saxiixa daafaca kooxda Inter xidiga lagu magacaabo Milan Skriniar.

24 jirkaan ayaa muddo dheer lala xiriirinayey inuu u wareegayo garoonka  Old Trafford, inkastoo la rumeysan yahay inay heshiis la gaari karaan labada kooxood tan iyo markii Jose Mourinho la ceyriyay kooxda  bishii December.

Wakiilo ka socda kooxda City ayaa u duulay magaalada Milaano si ay ula kulmaan wakiilka xidiga inter Milan Skriniar waxeyna ku doonayaan lacag dhan 64m.

Wargeyska Sky Sport ayaa ku waramaya in sido kale kooxaha aadka u xifaaltama ee Barcelona iyo Real Madrid qudhuuda ay ku raad joogaan adeega daafacan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Wasiir Cawad oo dhiggiisa Morocco kula kulmaya Rabaat

Read Next

Dhalinyaradu ma ahan Mustaqbal Barito marka Soomaaliya la joogo ee waa Mustaqbalka Maanta ?