labada Abwaan ee Singub iyo Fidhin oo lagu casuumay DDSI.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa ka codsaday iney deegaanadooda dib ugu laabtaan laba gabyaa oo Caan ka ah Somaliya.

Mustafe Muxumad Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ku sheegay magacyada labada Gabyaa ee uu dlabanayo iney dib usoo laabtaan, Maadaama uu isbadal dhacay.

” Guumaysigii maskaxda ee dadkeena lagu hayay wuxuu keenay barakac balaadhan oo galaaftay hal abuurkii iyo dadkii aqliga u saaxiibka ahaa ee aynu laheeyn”, ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.

Waxaan inay dalkooda ku soo laabtaan ku casuunay labada gabyaa ee caanka ah ee ka cararay dhulkoodii in badanna ku balanbalay qurbaha ee kala ah:

  1. Abwaan Maxamuud Maxamed Fidhin
  2. Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Singub)

Madaxweyne Cagjar ayaa ugu dnabeyn urajeeyay labada Gabyaa in xilli dhow ay ka gabyi doonaan iyagoo xor ah dhulkoodii hooyo.

Mustaqbal media

Read Previous

Shabaab oo sii daayay dhalinyaro ay Afgooye ka wateen Maalintii Ciida.

Read Next

Saraakiil Cadaan ah oo 500 askari u tababartay Koofur Galbeed.