Laamaha amaanka oo gacanta ku soo dhigay xubno lagu eedeeyay Shabaabnimo iyo Rag burcad ah.

Zakiya Xuseen Axmed Taliye Ku Xigeenka ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed

Booliska Soomaaliya, ayaa soo bandhigay tirada dad ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Hodan, Warta-Nabada iyo Wadajir oo ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo dadka gacanta lagu soo dhigay ay gaarayaan 15 ruux.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa xalay Warbaahinta ugu sheegtay magaalad in 2  howlgal oo laga sameeyay degmada Hodan lagu soo qabtay 4 nin oo qaarkood Shabaabnimo ay ku eedeysan yihiin.

Howlgal kale oo ka dhacay Wadajir ayey sheegtay in lagu soo qabtay 5 nin oo loo heysto dil ka dhacay Wadajir, kuwaasoo baaritaano lagu hayo.

Xaafada Sey Piano ee degmada Hodan waxa ay sidoo kale sheegtay in lagu soo qabtay rag dhac u geystay 10 Mooto Bajaaj.

Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa dhinaca kale Shacabka ku dhaqan caasimada ka codsatay iney kala shaqeeyaan laamaha amaanka sidii loo sugi lahaa amaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Web master

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo oo shir uga qeybgalayo dalka Sucuudi Carabiya.

Read Next

Dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah oo loo gudbiyay Maxkamada Sarre ee Seychelles