Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Maxkamada Sarre ee Seychelles ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku eedeysan falal burcadbadeednimo, sidda uu sheegay Booliska.
Raggaan oo aanan magacooda lala wadaagin warfidiyeenka ayaa waxaa bishii April ee sanadkan u gacangeliyey dowladda wadankaasi ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida.
Fadhiga koowaad ee maxkamaddeynta oo qabsoomay, Isniin, April 29keeda, ayaa waxaa lagu dhageystay garmaqalka dacwadda xili la faray in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo illaa iyo 7da bisha June ee sanadkan.
Bileyska ayaa laga soo xigtay in dhageysiga labaad ee maxkamadeynta ay qabsoomeyso taariikhdaasi, wallow aysan kala caddeyn hadii xukun lagu ridi doono kulankaasi ama in caddeymaha lasoo bandhigayo.
Mid kamida shaqsiyaadka la tuhunsan yahay oo lasoo qabtay laguna soo wareejiyay mas’uuliyiinta Seychelle bishii November 2017kii ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya, December 2018kii.
Talaabada ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda Soomaalida ay dhalinyaradaan ugu wareejiyeen Seychelles ayaa qayb ka ah heshiis isweedaarsiga dambiileyaasha.
Seychelles, jaziirad juquraafi ahaan ku dhow xeebta Soomaaliya oo door firfircoon ka qaadatay la dagaalanka burcadbadeeda ayaa saaxiibada caalamka ka taageerta soo qabqabshada shutfa badeeda.
Sanadkii hore 2015kii, waddankan ayaa waxaa uu sameystay maxkamad casri ah, taasi oo dhageysata isla markaana xukuno ku ridda kiisaska la xiriira dambiyada burcadbadeednimada.
Maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya ee sheegta in ay la dagaalamaan burcadbadeeda ayaa qudhooda wajahaya eedeymo ku aadan xaalufinta kaluunka iyo in ay beegsadaan kalluumeysatada Soomaaliyeed.
