Kuuriyadda Waqooyi oo ku dhawaaqday in aysan marna joojin doonin sameynta Hubka Nukliyeerka

Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa ku dhawaaqday inaysan marnaba u hoggaansami doonin heshiisyada caalamiga ah ee mamnuucaya hubka atomigga.

Danjiraha u fadhiya Qaramada Midoobay, Kim Song, ayaa sheegay in haysashada hubka nukliyeerka ay tahay xuquuq madax-bannaan oo dalkiisu leeyahay, uuna ku qoran yahay dastuurka dalkooda.

Hadalkan ayaa jawaab u ahaa dhaleeceyn uga timid Mareykanka iyo xulafadiisa inta lagu guda jiray shirka dib-u-eegista heshiiska NPT ee ka socda xarunta QM.

“Ma jirto cid naga hor istaagi karta in aan yeelano hubka Nukliyeerka, mana u hoggaansami doono heshiis kasta na xadidaya”
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim John Un

Kuuriyadda Waqooyi ayaa ka baxday heshiiska NPT sannadkii 2003, ayaa tan iyo xilligaas samaysay lix tijaabo oo nukliyeer ah, waxayna hadda ka mid tahay sagaalka dal ee adduunka ugu awoodda badan xagga hubka wax gumaada.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Pyongyang ay taageero ciidan siinayso Ruushka, si ay beddelkeeda u hesho tignoolajiyada casriga ah ee hubka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo 30 xabsi ah sano ku xukuntay muwadin Soomaaliyeed

Read Next

Qoorqoor oo dib u magacaabay Taliyihii Qeybta Booliiska Galmudug ee DFS xilka qaaday