Kulan Baydhaba ku dhexmaray Guddoomiye Mursal iyo Odayaasha Koofur Galbeed

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa uu kulan ku dhexmaray Odaayasha dhaqanka ee Maamulka Koofur Galbeed, Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Kulanka ay Lafta Gareen iyo Mursal la qaateen Odayaasha dhaqanka ayaa diiradda lagu saaray dib u heshiisiin loo sameeyo Dadka degaannada koofur Galbeed iyo maamulka cusub.

Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa ay billowday dadaallo ay dooneyso in ay ku kasbato shacabka degaankaas kaddib murankii ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow iyo rabshado ka dhacay Baydhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaallada ay wadaan Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Koofur Galbeed si xal waara looga gaaro rabshadihii dhacay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Lafta Gareen ayaa odayaasha uga mahad celiyay ajiibidda kulanka iyo in ay ka go’antahay dhameynta mad madowga ka dhex jira Maamulka iyo Dadka degaanka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa Odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay Maamulka kala shaqeeyaan sidii uu u fulin lahaa adeegyada bulshada ee loo idmaday.

Mustaqbal media

Read Previous

Itoobiya oo ka hadashay dagaalka Cafarta iyo Soomaalida

Read Next

Booliska Kenya oo qabtay Rag hub u waday gudaha Kenya,Sawirro