Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa war ka soo saartay dagaal todobaadyadii la soo dhaafay dhexmaray Soomaalida iyo Cafarta.
Dagaalka labada dhinaca ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo kala gaaray labada dhinaca,waxaana uu salka ku hayaa dagaalkooda khilaaf dhinaca dhulka ah.
Madax ka socota Dowladda Dhexe eee Itoobiya iyo Labada Maamul ee Soomaalida iyo Cafarya ayaa waxaa ay kulan ku yeesheen Adis ababa,waxaana ay wadaan wadahadal la xiriira sidii xal looga gaari lahaa colaadda.
Dagaalka labada dhinac ayaa sababay in ay xiranto waddada kaliya ee ay Itoobiya soo marsiiyo badeecadaha ay kala soo degto dekadaha Dalka Jabuuti.
Madaxweyne ku xigeenka Ismaamulka Soomaalida Aadan Faarax,ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Soomaalida ee dhinaca ismaamulka Soomaalida waxaana uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa colaadda labada dhinac.
Wadahadalka dhexmaray Labada ismaamul iyo dowladda dhexe ayaa horseeday in dib loo furo waddada isku xirta Jabuuti iyo Itoobiya,waxaana hadda ay tahay mid shaqeyneysa.
