Kulamo wali ka socda Garowe.

Madaxda Maamulada Koofur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa Magaalada Gorowe ee Caasimada Maamulka Puntland kulamo wadatashi iyo is-xogwaraysi ah kula leh  Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Mudane Shariif Sh. Axmed, Madaxweynihii hore ee Puntland Sen.  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka hada ka Socda Magaalada Garowe.

Madaxda Dowlada iyo kuwa Dowlada Goboleedyada Dalka oo ay wehliyaan madaxweynayaashii hore ayaa ka qeybgalay calaama saarkii Madaxweynaah Puntland Siciid C/llaahi deni oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Ciidanka Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Nin Askari toogtay

Read Next

Ciidankii Jabuuti ee lagu weeraray Shabeelaha Dhexe oo gaaray Jalalaqsi.