MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Waxaa magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka socda abaabulka dagaal ka dhan ah AS, iyada oo halkaasi ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin heer Federaal iyo Gobol.
Taliyihii hore ciidanka Nabad Sugida ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Maxaas, halka hore ay ugu sugnaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Cali Jeyte Cusmaan iyo Maamulka gobolka Hiiraan.
Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka.
Kulamadan ayaa waxaa looga arrinsanaya dagaalkii ka dhacay magaalada Moqokori iyo sidii markale halkaasi dib loogu laaban lahaa, loogana saari lahaa AS.
Magaalada Moqokori oo ku taalla meel u dhow xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa waxaa dhawaan al wareegay AS, ka dib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.
Mustaqbal
