Kulamadii ugu adkaa tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa galabta in lagu ciyaaro garoomada Koonis iyo Jaamacadaha oo ku Yaala caasimadda Muqdisho.
Guruubka la is oranayay waxa uu noqon doonaa kan ugu horeeya ee lagu kala baxo ayaa lama filaan ku noqday kan ugu adag.
Degmooyinka Deyniile iyo Howl Wadaag oo inta badan heerka guruubyada ku hari jiray ayaa sanadkaan loo dhiibay macalimiin tayo leh waana sababta keentay in guruubkaan ay adkeeyaan.
Afarta degmo ee ku jira guruubkan ayaa ka wada siman dhibcaha iyo goolasha iyagoo wada leh min laba dhibac.
Kaaraan iyo Boondheere ayaa ku ballansan Koonis, halka Dayniile iyo Howl Wadaag ay ay ku ciyaari doonaan geegada Jaamacadaga.
