Kulamada xiisaha badan ee galabta laga ciyaari doono koobka degmooyinka gobolka banaadir.

Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si xiiso leh u soconayaa, waxaana galabta la ciyaari doonaa kullamo aad u adag.

Labada kullan ayaa ka kala tirsan guruubyada B iyo C   oo ay ku wada jiraan min afar degmo.

ciyaarahaan  ayaa ka kala dhici doona garoomada Koonis iyo Jaamacadaha ee ku yaala caasimadda Muqdisho.

Garoonka Jaamacadaha waxaa isku fara saari doona Shibis iyo  Xamar Jab Jab ,halka Banaadir ay isku arki doonaan degmooyinka Kaaraan iyo H owl Wadaag.

Shibis iyo  Xamar Jab Jab  ayaa ku jira guruubka B, iyadoo dhanka kale Kaaraan iyo H owl Wadaag ay ciyaarayaan kullankii ugu horreeyay guruubka C.

Koobkan waxaa difaacaneysa Waabari  oo sanadkii ugu dambeeyay ka qaaday dhigeeda Hodan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

HORDHACA: Newcastle Vs Chelsea + Safafka Macquulka ah.

Read Next

Barcelona oo taariikh cusub ka sameysay horyaalka La liga.