Kpler “Maalintii 3aad oo xiriir ah ma jiro Markab shidaal wada oo ka gudbay Marinka Hormuz”

Mareegta ka hadashay dhinaca Ganacsiga gaar ahaan Shidaalka ee lagu magacaabo Kpler ayaa tabisay maanta in maalintii saddexaad oo xiriir ah aanay jirin Markab Shidaal oo ka gudbay Marinka Hormuz kaddib markii colaadda Maraykanka iyo Iiraan ay saamaysay.

Shabakadda ayaa shaacisay in diiwaankooda saddexdaas cisho aanay jirin markab shidaal wada oo ka gudbay Marinka Hormuz maadaama ay halkaas ku xayiran yihiin Maraakiib badan oo dalal kala duwan shidaal u wada.

Hadalkaan waxa uu bannaanka soo dhigay sida ay Iiraan ugu guulaystay dhaqangelinta amarkeeda la xiriira joojinta isu socodka Marinka Hormuz, waxa uu si cad uga hor imaanayaa sheegashada Maraykanka ee la xiriira in ay gudbeen Maraakiib Shidaal wadda.

Dhinaca kale khubarrada ku takhasusay dhinaca Badda iyo Xamuulka la mariyo waxa ay sheegeen in hubinti la’aanta jirta ay sababtay in Maraakiibtu ay cabsi ka muujiyaan isu socodkooda taag-taagga ka jiro ilaa xal looga helayo colaadda labada Dal.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda iyo Mucaaradka oo markale Muqdisho isku arkaya todobaadkaan

Read Next

Wasiir Roobow oo looga yeeray Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya