Koox hubeysan oo maamule Iskuul ku dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dishay Maamule Iskuul,kaas oo lagu magacaabayay Xuseen Maxamed Xuseen.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Kooka Koolla ee Degmada Yaaqshiid,waxaana dilka kaddib goobta gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in kooxda dilka geysatay ay baxsadeen ka hor inta ciidamada dowladda aysan tagin goobta uu dilka ka dhacay.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay dilka loo geystay Macallin Xuseen Maxamed Xuseen oo ahaa maamulaha Iskuulka Al-Kifaaf.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmahan ka dhacayay Muqdisho iyo oo dowladda Federaalka ah ay ciidamo badan dhigtay xaafadaha iyo isgooysyada degmooyinka qaar ee Maagalada Muqdisho.

Mustaqbal media

Read Previous

22, qof oo ku dhintay dagaal dhexmaray Oromo iyo Soomaali

Read Next

Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed oo beeniyay faragelinta lagu eedeeyay D.Federaalka