Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Koox hubeysan ayaa weerartay darawalka gaariga la afduubtay ee Dowladda Hoose Mandheera leedahay, inkasta oo aanay jirin waxyeello soo gaartay wadaha haddana waxaa kooxdaas u suuragashay in ay kaxaystaan Gaarigaan oo aan la garanayn halka ay la aadeen.
Taliyaha Booliiska Mandheera Xuseen Cabdullaahi ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in la afduubtay Gaarigaas, waxa uu intaas ku daray in ay ku daba-joogaan sidii loosoo celin lahaa isla markaana loosoo qaban lahaa kooxda afduubka geysatay.
Laamaha ammaanka Kenya ee heer Federaal ayaa xogtaan loo gudbiyay, waxaa la howlgaliyay ciidamada gaarka u tababaran ee booliiska ah si ay u dabagalaan xogta Gaariga si aanay looga gudbin xadka uu dalkaas la wadaago Soomaaliya.
Ismaamulka Mandheera weli war faahfaahsan kama bixin afduubtaan iyo xogta ay ka hayaan ilaa haddii sida kooxda weerarka fulisay haddii la aqoonsaday, deegaanka lagu hayo iyo su’aalaha kale ee dadka iska weydiinayaan arrintaan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
