Fannaanad Khadiija Qalanjo oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

Waxaa Magaalada Hargeysa Xarunta Maamulka Somaliland ku geeriyootay Allaha u naxariistee Khadiija Maxamuud Aw Yuusuf oo ku magac dheereed (Khadiija Qalanjo), waxaa heesaha u dheeraa ciyaaraha dhaqanka iyo Suxufiyad dalka kasoo howlgashay sida ay ku xog-warrameen dadka garanaya taariikhdeeda.

Waxa ay ku dhalatay Magaalada Boorame Gobolka Awdal, waxa ay kamid ahayd Fannaaniinta dumarka ah ee doorka firfircoon ku lahaa ciyaar dhaqameedka iyada oo la jaanqaadday muusiga casriga ah, halkaas waxaa looga bixiyay magaca Khadiija Saylici inkasta oo uu ka weynaaday Magaca Khadiija Qalanjo.

Heesaha caanka ah iyo fannaaniinta ay la qaadday waxaa kamid ah:

Heesta ‘Ragga iyo Haweenkuba’ oo ay si wadajir ah iskula qaadeen Xasan Aadan Samatar, waxaana ereyada kamid ah, “Ragga iyo Haweenkuba waxa ay heebad ku yeeshaan habsamaanta guurkee”.

Heesaha kale ee Khadiija Maxamuud Aw Yuusuf (Khadiija Qalanjo) qaadday waxaa kamid ah:

“Caashaqa Sal iyo Baar”

“Deesha Dheela”

“Sharaf”

“Hooyo” ee ku jirtay Riwaayaddii sidaa ma isku qabnaa mise waan qasanaa.

Soohor Caashaqa oo ay la qaadday Xasan Aadan Samatar)

“Diriyam

Marxuumadda ayaa muddooyinkii dambe la sheegay in ay xannuunsanaynd, waxaa la geeyay Gobolka Awdal balse saakay ayay ugu dambeyn ku geeriyootay Magaalada Hargeysa sida ay xaqiijiyeen xubno kamid ah ehelkeeda.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Rwanda oo Maraykanka kala wareegtay muhaajiriin uu dalkiisa kasoo tarxiilay

Read Next

Koox hubeysan oo afduubatay Gaari ay leedahay Dowladda Hoose ee Mandheera