Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta joojiyay Siminnaar Magaalada Baydhaba uu ku qaban lahaa Xisbiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Xisbiga UPD ee uu guddoomiyaha ka yahay Xasan Sheekh ayaa galabta qorsheeyay in siminaar ku saabsan Nidaamka xisbiyada badan iyo taariikhda Xisbiyada Soomaaliya.
Senetar Xuseen Sheekh oo ka mid ah golaha aqalka sare kana tirsan Xisbiga laga joojiyay Siminaarka ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in kulankaas laga baajiyay.
Waxaa uu Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud, sheegay in aan ciidan loo adeegsan laakiin Maamulka Koofur Galbeed isaga oo qiimeynaya xaalado jira uu ka dalbaday in la baajiyo sidaasna lagu joojiyay kulankii ay galabta lahaayeen Xisbiga UPD ee ka dhici lahaa Baydhaba.
Todobaadkii hore ayaa Booliska Soomaaliya waxaa ay joojiyeen Siminaar uu xisbiga Wadajir ku qabsaday Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
