Degmada Afmadow oo loo Magacaabay Maamul Cusub.

Wasiir Darwiish

Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goor dhow Maamul cusub u magacawday Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa lagu magacaabay Gudoomiye iyo Ku Xigeen Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Yuusuf Xasan Xuseen ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Afmadow halka Cali Raxaab Sheikh Cumar loo magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenka Afmadow.

Maalmihii lasoo dhaafay Degmada Afmadow waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, qaar kamida golihiisa Wasiiradiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.

Aucune description de photo disponible.

Mustaqbal media

Read Previous

Deni oo joojiyay siyaasadaha canshuur dhimista iyo canshuur dhaafka

Read Next

Koofur Galbeed oo joojisay Siminaar Xisbiga Xasan Sheekh ku qaban lahaa Baydhaba