Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay Ebola in dalkeeda laga helay

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Ebola laga helay dalkaas, iyada oo Wasiirka Caafimaadka dalkaasi, Aadan Barre Ducaale uu sheegay in bukaankii laga helay uu u geeriyooday cudurkaas.

Cudurka Ebola ayaa si weyn uga jira Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaana sidoo kale laga helay Dalalka deriska la ah dalkaas sida Uganda iyo Rwanda taasi oo sare u qaaday walaaca Caafimaad Gobolka.

Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay ka feejigan tahay faafitaanka cudurkaan iyada oo Wasaaraddu ay xustay inay qaadday tallaabooyin muhiim ah si looga hortago halista cudurkaas.

Ebola waxaa sababa Fayruska loo yaqaan Ebolavirus, Qof ilaa qof ayuu ugu gudbi karaa taabashada dhiigga ama dheecaannada jirka qof qaba Cudurkaan gaar ahaan marka lagu arko calaamadaha uu leeyahay sida ay ku warrameen khubarrada Caafimaadka.

2 ilaa 21 maalmood gudahood qofka uu ku dhacay cudurka waxaa looga arkaa Calaamadaha uu leeyahay sida Qandho darran, Murqo xannuun, Daal xad dhaaf ah, Lalabo, Shuban, Caloo xannuun, Cunaha oo qofka xanuuna, Indhaha oo casaada ama gaduud noqda, dhiig bax gudaha ah, finan kasoo baxa maqaarka qofka qaba, xubnaha jirka oo shaqadooda joojiya & Argagax.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Danjire Ferhat Alkan oo booqday xarunta Turkiga ee ka dirayo Dayax-gacmeed ee Soomaaliya 

Read Next

NISA oo faahfaahin ka bixisay duqeymo ka dhacay degmada Jilib