Dowladda Suudaan oo diiday in ay wadahadal la furto Kooxda RSF
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in duqeymo culus ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.
NISA ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa AS oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Xaaji Nuunow oo loo garan ogyahay Fanax iyo Cali Dheere.
Sidoo kale, Sirdoonka NISA ayaa sheegay in ninkaan uu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro ay ka mid yihiin qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, Soobe 2 iyo weerarro kale oo ka dhacay goobo kala duwan oo Muqdisho ku yaalla.
Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamadeeda iyo saaxiibo caalami ah.
Marka laga soo tago sheegashada NISA, ma jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay duqeynta oo dhacday dabaqaayada toddobaadkii hore.
Bilihii la soo dhaafay waxaa kordhay tirada duqeymaha ay Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fulinayaan gobolada dalka gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin AS iyo Daacish.
Mustaqbal
