Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay taageereyso howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kalena ay ka go’antahay nabadeynta Soomaaliya.
Magaalada Nairobi waxaa ka socda shir looga hadlayo miisanaiyadda Howlgalka AMISOM ee 2020 iyo qorshe howleedka Howlgalka.
Agaasimaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Ababu Namwamba, oo kulanka AMISOM ka hadlayay ayaa sheegay in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay Gobolka.
Ababu Namwamba, ayaa intaas ku daray in Kenya ay sii taageereyso AMISOM, kana go’antahay ka qeybqaadashada howlgalka.
Dhawaan madaxda Talisyada AMISOM ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay dooneyso mudnaan gaar ah oo ay ku dhexyeelato howlgalka.
Ciidamada Kenya ayaa isaga baxay Afar Saldhig oo ay ku lahaayeen Gobollada Gedo iyo Jubada hoose,kuwaas oo ay Al-shabaab dib ula wareegeen.
